Xafiiska Beeraha DDS ayaa 11-ka gobol ee Deegaanka Soomaalida u raray abuur isugu jira gallay, hadhuudh yaryare, qamadi iyo khudaar.
Abuurkan oo kor u dhaafaya 20 kun oo kiintaal, isla mar ahaantaasina la qorsheeyay in muddo saddex maalmood ah lagu gaadhsiiyo goobaha loo daabulayo ayaa loogu talogalay in beeraleydu uga faa’iideystaan xilli roobaadka gu’ga oo curtay, si kor loogu qaado waxsoosaarka beeraha iyadoo rarida abuurkani ay goobjoog ka ahaayeen Wasiir Kuxigeenka Xafiiska Beeraha DDS Mudane C/raxmaan Nuur iyo Maareeye Kuxigeenka Shirkada Abuurka Xulka Beeraha Marwo Kawsar C/laahi.
Sida la wada ogsoon yahay waxaa socda dadaalo lagu xoojinayo waxsoosaarka beeraha, iyadoo qorshaha sannadkan 2018-ka t.i uu yahay in la beero dhul dhan 2 milyan oo hiktar, si isku filaansho buuxda looga gaadho dhanka cuntada.
Wasiir kuxigeenka Xafiiska Beeraha DDS Mudane C/raxmaan Nuur oo warbaahinta la hadlay ayaa tilmaamay in bulshadu diyaargarow fiican ka sameeyaan tabcashada beeraha si loo xaqiijiyo hawlaha kor loogu qaadayo waxsoosaarka beeraha.
SRTV










