Wasiirka Xafiiska Beeraha ee Dds, Mudane Cabdilaahi Maxamed muse , ayaa kulan muhiim ah oo ku saabsan dardargelinta waxsoosaarka xilliga Gu’ga la qaatay madaxda heer gobol iyo heer degmo ee Gobolka Faafan, kaas oo lagu go’aamiyey qorshe fududaynaya helitaanka shidaalka cagafyada lagu qoto beeraha. Kulankan oo ay weheliyeen mas’uuliyiin ka tirsan Xafiiska Ganacsiga iyo Maamulka Gobolka, ayaa lagu lafogurey in afar goobood oo kala ah Lafaciise, Qabribayax, Shabeelley iyo Jigjiga loo asteeyo xarumo laga helo shidaal ku filan oo qiimihiisu macquul yahay, si looga gudbo caqabadaha dhanka saadka ee dib u dhigi kara waxsoosaarka dalagyada kala duwan ee xilligan lagu jiro





