Xafiiska Beeraha ee DDS ayaa xaqiijiyay in deegaanka ay soo gaadhay 33,800 kiintaal oo Urea ah iyo 7,600 kiintaal oo nooca DAP ah, taas oo ka dhigan in in ka badan 85% bacrimintii loogu talagalay xilli-roobaadkan ay diyaar tahay. Wasiirka Xafiiska beeraha, Mudane Cabdilaahi Maxamed muse, ayaa kormeer indho-indhayn ah ku tagey bakhaarada degmada Gursum, isagoo carabka ku adkeeyay dadaalada qaybinta inay si hufan oo waafaqsan qorshaha u gaadhsiiyaan 41,400-ka kiintaal ee agabkan ah gobollada Faafan, Shabeelle, Liibaan, iyo Daawa. Hannaankan ayaa qayb ka ah dadaallada ballaadhan ee lagu xoojinayo waxsoosaarka dalagyada iyo sugnaanta cuntada ee deegaanka




m









