Waxaa magaalada Jigjiga lagu qabtay tababar ku saabsan Participantory Rural Appraisal (PRA), kaasi oo qayb ka ah mashruuca PACT (Participatory Agriculture and Climate Transformation) Program.
Tababarkan waxaa si rasmi ah u furay Wasiir Ku-xigeenka Xafiiska Beeraha DDS, Mudane Abdirahman Nur Mahamed, isaga oo ka hadlay muhiimadda ay leedahay in la xoojiyo ka-qaybgalka bulshada iyo khubarada heerarka kala duwan si loo horumariyo wax-soo-saarka beeraha loogana jawaabo isbeddelka cimilada.
Ujeeddada tababarka ayaa ahayd in la siiyo aqoon iyo xirfad ku saabsan habka PRA, si loo fududeeyo qorshaynta iyo fulinta mashaariicda beeraha iyadoo si toos ah looga qaybgelinayo bulshada deegaanka. Tababarka waxaa ka faa’iideystay khubaro heer deegaan, heer dagmo, iyo heer qabalee , iyo sidoo kale Development Agents (DAs).








