MASHRUUCA HORMARINTA SILSILADDA WAX-SOOSAARKA QAMADIGA
Waxaa si rasmi ah loo dhagax-dhigga Mashariicda Waraabka Yar-yar, oo laga hirgelinayo Qabalayasha Kunka iyo Hilogudud oo ka kala tirsan Degmooyinka Goday iyo Cadadle.
Munaasabaddan ayaa waxaa dhagax-dhigay Wasiirka Xafiiska Beeraha DDS, Mudane Cabdullaahi Maxamed Muuse iyo Gudoomiyaha Gobalka shabeele mudane cabdi farax, oo ay Weheliyan Maareeyaha Mashruuca CREW ee Heer Federaal, Mudane Cabdisamad, iyo sidoo kale Agaasimaha Waraabka ee Dalka mudane: iliyas, mas’uuliyiin kale oo heer federaal iyo heer deegaan ah.
Mashruucan ayaa ujeeddadiisu tahay kor u qaadista wax-soo-saarka qamadiga, horumarinta waraabka yar-yar, iyo xoojinta adkaysiga beeralayda ee isbeddelka cimilada, taas oo gacan ka geysan doonta sugidda amniga cunnada iyo kobcinta dhaqaalaha beeralayda deegaanka.







