Waaiirka Xafiiska Beeraha oo ay wehelinayaan maareeyaha mac’hadka cilmibaadhista, kuxigeenka Bangiga Shabeelle iyo maareeyaha wakaalada iskaashatooyinka ayaa xadhiga ka jira 50 cagaf oo ah wajigii 5aad oo loogu talo’gay inay qayb ka qataan horumarinta waxsoosaarka beeraha, iyadoo bulshadu ugu faa’iidaysanayso qaab dayn ah
Wasiirka Xafiiska Beeraha DDS C/laahi Maxamed Muuse ayaa sheegay in isbeddelka kaddib ay xukuumadu mudnaan gaara siisay horumarinta qalabka beeraha taas oo door muhiim ah ka qaadatay kor uqaadida dhulbeereedka deegaanka oo hada la gaadhsiiyay ilaa 1.6 Milyan oo hiktar.
Iskaahaatooyinka, shirkadaha iyo shaqsiyaadka beeralayda dhamaystiray shuruuda daynta ayaa lagu wareejiyay cagafyadani.










