Tababarka Macallimiinta Dugsiga Beeraleyda (Farmers Field School Training of Facilitators)
Mashruuca PACT ayaa ku hawlan dadaallo lagu xoojinayo aqoonta iyo xirfadaha khabiirada iyo wakiillada horumarinta beeraha ee degmooyinka uu ka hawlgalo mashruucu. Dadaalladan waxaa ka mid ah bixinta tababaro joogto ah oo kor loogu qaadayo aqoonta iyo tayada adeegyada fidinta beeraha.
Hadaba, mashruuca PACT ayaa soo agaasimay tababar 7 maalmood soconaya oo ku saabsan Farmers Field School (FFS) Training of Facilitators. Tababarkan ayaa wajigiisa hore loo qabtay khabiirada iyo wakiilada horumarka (DA-yada) laga soo xushay degmooyinka Gunagado, Babile, Wangey, Dhobawayn, iyo Gotabiki. Wajiga 2aad ee tababrka ayaa waxaa siddoo kale qaadan doona khabiirada iyo DA-yada dagmooyinka kale ee mashruucu ka hawlgalo sidda Raaso, Qarsahula, Hudhet, iyo Qalafo
Ujeeddada tababarka ayaa ahayd in la dhiso awoodda macallimiinta fududeynaya hawlaha FFS ee degmooyinkan, si ay si hufan oo wax-ku-ool ah u hirgeliyaan barashada ku saleysan khibradda beeraleyda. Tababarku wuxuu xooga saarayaa:
• Fahamka hababka waxbarashada ka-qaybgalka ah (participatory learning approaches).
• Farsamooyinka casriga ah ee beeralayda.
• Xeeladaha hoggaaminta kooxaha FFS.
Intii uu socday tababarku, ka qaybgalayaashu waxay si gaar ah u barteen xirfado ku saabsan hogaaminta kooxaha beeraleyda, dhisidda dhul-beereedyo tijaabo ah, iyo dejinta qorshayaal lagu hirgelinayo laguna taageerayo kooxaha FFS ee degmooyinka.
Wadarta guud ee ka qaybgalayaasha tababarka ayaa ah 36 qof, oo isugu jiray wakiillo horumarineed (DA-yada), khabiiro ka tirsan waaxyaha beeraha ee degmooyinka, iyo daneeyayaal kale oo muhiim u ah fidinta beeraha.
Tababarkan ayaa qaybgalayaashu ka heli donaan faham qoto dheer oo ku saabsan habraaca FFS iyo qaababka hirgelintiisa, taasoo sare u qaadaysa taageerada ay siiyaan beeraleyda.









