Xarunta Tababarada Beeraleyda [FTC) waa bar ay kasoo burqato geedi-socodka fal-tusmeedyada baris-barasho ee habka beerashada casriga ah ee dalagyada kala duwan taas oo doorweyn ku leh dib u casriyeynta ama barnamijyada isbedelka beeraha dalka iyo deegaankaba.
Degmada Tuliguuleed ee gobolka Faafan waxay ka mid tahay degmooyinka waxsoosaarka hormuudka ku ah taas oo ay markhaati u tahay in waxsoosaarka Qamadiga deegaanka ay ugu horeyso islamarkaana leh cimilo-beereed ku haboon dalagyada kale sida Baradhada..iwm..




