xuska maalinta beeraha

Waxaa caasimada dalka ee Addis Ababa ka qabsoontey munaasabada maalinta loogu magacdarey adeeg-bixinta oo ay soo agaasintey Wasaarada Beeraha ee JDFI isla markaasna ay kasoo qeybgaleen Xafiisyada Beeraha iyo Xoolaha heerarkooda kala duwan sidoo kale bahwadaagta ku hawlan dhinaca horumarinta beeraha iyo xoolaha ayaa waxaa abaamarino lagu gudoonsiiyey xirfadlayaashii guulaha waxku oolka ah kasoo hooyey dhinaca u adeegida beeraleyda, xoolo-dhaqato beeraleyda iyo xoolo-dhaqatadaba

Haddaba, waxaa deegaanka soomaalida la abaalmariyey mudane: Cali Maxamed oo ka socdey degmada Araarso ee gobolka Jarar gaar ahaan tuulada Hal-jiid isaga oo la gudoonsiiyey shahaado sharaf iyo sidoo kale agabyada sida: Mooto iyo Laptop kuna muteystey shaqooyinka horumarinta beeraha ee uu bulshadiisa ugu adeegey.

%d bloggers like this: