Wasiirka Xafiiska Beeraha DDS ayaa sheegay in mashruuca horumar kaga jawaabidda saamaynta qaxootiga uu door muhiima ka qaadanayo horumarinta adeegyada bulshada iyo kaabayaasha dhaqaalaha.

Wasiirka Xafiiska Beeraha oo ay wehelinayaan maamulka degmada Qabribayax ayaa kormeeray mashaariicaha laga fulinayo degmada, iyadoo laga faa’iidaysanayo mashruuca horumar kaga jawaabidda saamayta qaxootiga oo isugu jira ballaadhinta xarunta caafimaadka Hartasheekha, dhismo dugsi iyo 8km oo ah waddooyinka magaalada Hartasheekha oo hadda gabo’gabo maraya iyo sidoo kale xidhxidhka dhulka oo laga fulinayo tuulada Dhurwaale ee degmada Qabribayax. Wasiirka Xafiiska Beeraha…

Read more

Qorshaha koradhka

Qorshaha koradhka wax soosaarka beeraha ee deegaanka, ayaa maal- mahanba kasocday caasimada deegaanka ee Jigjiga, halkaas oo ay ka soo qayb galeen hogaaminta Gobalada, Degmooyinka iyo Maamul magaalooyinka deegaanka, halkaas oo lagu lafa guray qorshaha waxsoosaarka sanadkan, islamarkaana hogaaminta lagu siiyay qorshaha sanadkan degmo walba inta hector ee ay beerayso, haddaba, iyadoo laga duulayo ujeedada sare, ayaa waxaa maanta khibrad…

Read more

Koox ka socota heer federaal iyo heer deegaan oo loogu talo’galay in ay soo bandhigaan qorshe isbaddel loogu samaynayo waaxda beeraha ayaa loo kala dirayaa gobollada Deegaanka.

Kulan lagaga wada-hadlayay xoojinta qorsheyaasha waaxda beeraha ee Deegaanka oo uu hoggaaminayay madaxweyne-ku-xigeenka DDS, mudane Ibraahim Cusmaan Faarax oo uu ka soo qeyb-galay wasiirka Xafiiska Madaxweynaha DDS, Dr. Xuseen Xaashi Qaasim ayaa ka dhacay xarunta madaxtooyada Deegaanka. Kulankan oo ay ka soo qeyb-galeen masuuliyiinta Xafiiska Beeraha DDS, Xafiiska Horumarinta Xoolo-dhaqatada DDS iyo guddi ka socday heer federaal ayaa waxaa lagu…

Read more

Dar dar Galinta Shaqo

Shir lagu xoojinayay ka-midho’dhalinta qorsheyaasha xukuumadda ee 100-ka maalmood ayaa ka qabsoomay madaxtooyada Deegaanka.Kulan ay isugu yimaaddeen guddiyada sare ee hoggaaminta, madaxda wakaaladda iyo madaxda 4-ta shirkadood ee Deegaanka ka jira ayaa lagu qabtay xarunta madaxtooyada Deegaanka. Kulankan waxaa shir-guddoominayey madaxwayne-ku-xigeenka Deegaanka, mudane Ibraahim Cusmaan Faarax. Kulankan ahmiyaddiisu waxa uu ahaa dar-dar-gelinta shaqooyinka shirkadaha iyo wakaaladda dowladda, iyada oo dhinaca…

Read more

Hiigsiga Beeraha

sida aynu wada ognahay DDS waa dagaan kusaab inuu uqalmo inaa lamaal galiyo dhamaan meel walboo kamida deegaanka , sababtuna waa dhul ubaahan laba arimood in loo huro maal galin si loo soo saaro biyaha hoosta kuduugan in shaqsi kastoo udhashay dhulkan uu beera ugu yaaraan laba 50 mr waa inaa loo sameeyo suuq dalaga ka soo baxa beeraha sababtu…

Read more

Wax Soo Saarka Degmada Gunagado

maal galiye udhashay deegaanka ayaa wuxuu maali galiyay tuulada ladhaho Bulxan OO aha degmada Gunagado halkaas oo ay kasoo baxday basal dhan 5000 kintaal taas oo Xaaji Mahada Buraale kutil maamay in kujirto hantida laraa dinayo dhulkeena hooyo waana lama huraane waa inaan hagar la aan dhulka laqoto lana soo saaro nimcoo

Read more