olaha hawl-fulinta DDS ayaa ka wada hadlay xaaladaha sicir-bararka, abaaraha iyo amniga deegaanka.Kal-fadhigii 24aad ee golaha hawl-fulinta DDS oo uu shir-guddoomiyay Madaxweynaha DDS, mudane Mustafe Muxummed Cumar ayaa waxaa kasoo baxay qorshayaal wax lagaga qabanayo xaaladda sicir-bararka iyo abaaraha laguna xoojinayo amniga deegaanka.Sicirka: Golaha oo isla qiimeeyay xaaladda guud ee sicirka, dhagaystayna warbixinno la xidhiidha oo ay soo jeediyeen maamulka Xafiiska Ganacsiga iyo Gaadiidka iyo guddi loo xil saaray dabagalka sicirka ayaa soosaaray go’aamo wax lagaga qabanayo kor-u-kaca maciishada gaar ahaan qudaarta oo maalmihii udanbeeyay uu qiimo korodh ballaadhan ku yimid; Golaha ayaa si arrintan wax looga qabto qo’aamiyay in iskaashatooyinka sababta u ah meesha laga saaro, suuqana loo furo beeralayda soo saarta qudaarta iyo cid kasta oo awooda in ay deegaanka keento noocyada kala duwan ee qudaarta.Abaaraha: waxaa laga dooday diyaar garowga loogu jiro haddii ay xumaadaan roobabka deyrta ee xiliggan iyo in la sameeyo abaabul balaadhan si loo helo deeqo kala duwan oo ka baxsan kharashaadka xukuumadda.Amniga: waxaa la qiimeeyay xaaladda guud ee nabadgelyada Deegaanka oo ah mid wanaagsan, balse waxaa la isla gartay in lasii xoojiyo baraaruga iyo feejignaanta si looga hortaggo khal-khal gelin amni daro oo dhici karta.



Guddiga oo maalmahanba ku jiray kormeerro iyo dabagal ayaa mid mid u soo eegay mashaaricaha ka socda degmada Awaare sida xarunta caafimaadka, biyo-galinta laga wado degmadaasi. Guddiga ayaa soo maray biyo-xidheenka degmada Yoocaale oo roobashii u danbeeyey hantaaqeen.
Sidoo kale, xubnahani xildhibaannada ah ayaa socdaalkan ku soo maray jidka isku xidha Dhagax-buur iyo degmooyinka Awaare iyo Yoocaale. Mudaneyaasha ayaa sii wadi doona kormeerkani ay ku tagayaan degmooyinka gobolka Jarar.
Dhanka kale, guddiga taakulaynta farsamada heer Deegaan ee Dalag iyo Daryeel ayaa iyaguna soo indho’indheeyay dhul-beereedka degmada Yoocaale, iyagoo maamulka degmada iyo bulshada la qaatay kulammo lagu xoojinayo sidii looga midho-dhalin lahaa qorshahani.
Qorshaha-2015-ee-Bahda-Beeraha-3
PLAN FOR 2014 E.C
XBKHD WARBIXITEE RUBACA 2AAD -SM 2013
https://srs-banr.gov.et/xbkhd-warbixinta-rubuca-2aad-sm-2013ti-final-draft-1/
annual report 2012 E.C
Annual Report Final-Draft-May-20202013