Munaasibadda daah-furka Qorshaha dib-u-cusboonaysiinta bahda wax-soo-saarka Dalka ayaa lagu qabtay magaalada Godey.

Munaasibaddan oo ay soo diyaarisay Wasaaradda Beeraha ee JDFI ayaa waxaa kasoo qayb’galay Madaxweynaha DDS, mudane Mustafe Muxummed Cumar, Wasiirka Wasaaradda Beeraha ee JDFI, Dr. Girma Amante, Wasiirka Wasaarada Waraabka iyo dhulka joogiisu hooseeyo ee Dalka, Injineer Aisha Mohamed iyo masuuliyiin kale.

Daah-furka barnaamijkan oo halku-dheg looga dhigay “Wax-soo-saarka beeruhu waa lafdhabarta dhaqaalaheena” ayay ujeedadiisu tahay tayaynta iyo kor-u-qaaddida Bahda Wax-soo-saarka iyada oo la diyaariyay qorshe dhamaystiran oo fududaynaya hirgalkiisa.

SRTV Somali

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

I accept the Privacy Policy

%d bloggers like this: