Xubnaha guddiga joogtada ah ee kormeerka, dabagalka iyo taakulada gobollada Siti Faafan oo socdaalkoodii ku soo gabo’gabeeyay degmooyinka Haroorays iyo Shabeellay ayaa sheegay inay kusoo arkeen mashaariic mugleh oo bulshada waxtaraya.

Guddiga oo maalmihii u dambeeyayba ku hawllanaa dabagalka mashaariicda, adeegbixinta, ukuurgalka xaaladda bulshada iyo nidaamka barisbarasho ee dugsiyada degmooyinka gobolka Faafan ayaa safarkoodan kusoo maray mashaariic ay ka mid yihiin waddada isku xidha Camadhle iyo Daadhi, mashruuca waraabka Haro-hawd ee degmada Shabeelley iyo mashaariic kale oo heer Deegaan iyo Federaalba isugu jira.

Marwo Kaamila Cismaan oo ka mid ah xubnaha guddiga islamarkaasina ka warbixisay waxyaabihii ay kusoo arkeen kormeerradaasi ayaa tilmaantay in guddigu dadaal ugu jiro la xisaabtanka iyo sidii loo dhammaystiri lahaa waxyaabaha qabyada ah ee ay socdaalka kusoo arkeen.
SRTV Somali

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

I accept the Privacy Policy

%d bloggers like this: