Koox ka socota heer federaal iyo heer deegaan oo loogu talo’galay in ay soo bandhigaan qorshe isbaddel loogu samaynayo waaxda beeraha ayaa loo kala dirayaa gobollada Deegaanka.

0

Kulan lagaga wada-hadlayay xoojinta qorsheyaasha waaxda beeraha ee Deegaanka oo uu hoggaaminayay madaxweyne-ku-xigeenka DDS, mudane Ibraahim Cusmaan Faarax oo uu ka soo qeyb-galay wasiirka Xafiiska Madaxweynaha DDS, Dr. Xuseen Xaashi Qaasim ayaa ka dhacay xarunta madaxtooyada Deegaanka.

Kulankan oo ay ka soo qeyb-galeen masuuliyiinta Xafiiska Beeraha DDS, Xafiiska Horumarinta Xoolo-dhaqatada DDS iyo guddi ka socday heer federaal ayaa waxaa lagu lafo-guray qaabkii loo dardar-gelin lahaa waaxaha beeraha, xoolaha, waraabka, dooxooyinka, cilmi-baadhista iyo iskhaashatooyinka.

Intii kulankani uu socday waxaa la soo bandhigay xaaladda uu ku sugan yahay waaxda beerahu iyo qaabkii loo horumarin lahaa, taasi oo ay soo diyaariyeen guddi farsamo oo ka socday wasaaradda beeraha federaalka, mac’hadka cilmi-baadhista beeraha ee federaalka iyo xafiisyada heer deegaan.

Ugu dambayn, muddo 17 maalmood gudahood ah waxa ay kooxdani soo bandhigi doontaa qorshihii isbaddelka waaxda beeraha loogu samayn lahaa.

SRTV Somali

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

I accept the Privacy Policy

%d bloggers like this: