Dar dar Galinta Shaqo

Shir lagu xoojinayay ka-midho’dhalinta qorsheyaasha xukuumadda ee 100-ka maalmood ayaa ka qabsoomay madaxtooyada Deegaanka.Kulan ay isugu yimaaddeen guddiyada sare ee hoggaaminta, madaxda wakaaladda iyo madaxda 4-ta shirkadood ee Deegaanka ka jira ayaa lagu qabtay xarunta madaxtooyada Deegaanka. Kulankan waxaa shir-guddoominayey madaxwayne-ku-xigeenka Deegaanka, mudane Ibraahim Cusmaan Faarax. Kulankan ahmiyaddiisu waxa uu ahaa dar-dar-gelinta shaqooyinka shirkadaha iyo wakaaladda dowladda, iyada oo dhinaca kalena la siinayo taakulayntii loo baahnaa, lalana xisaabtamayo. Ujeeddaduna waa in ay noqdaan shirkado bixiya adeeg hufan, islamarkaasina soo saara faa’iido dhaqaale. Guud ahaan, shirkan waxa uu ka mid yahay dar-dar-gelinta qorsheyaasha 100-ka maalmood ee xukuumadda Deegaanka si wakhtigii loo baahnaa adeeggii loogu talo’galay loo bixiyo.

Leave a comment

I accept the Privacy Policy

%d bloggers like this: