Qamadiga Waraabka

“Mashruuca qamadiga waraabka ku baxa ee laga hirgaliyay gobolka Shabeelle meel fiican ayuu marayaa”, Wasiirka Xafiiska Beeraha DDS.Kulan ujeedkiisu ahaa ka wada xaajoodka xaaladda qamadiga waraabka ku baxa ee laga hirgaliyay gobolka Shabeelle ayaa dhexmaray Wasiirka Xafiiska Beeraha DDS, guddoomiyaha gobolka Shabeelle, madaxda xafiiska beeraha ee degmooyinka Godey, Beercaano iyo Cadaadle iyo xubno maalgashadayaal u dhashay Deegaanka.Kulanka ayaa ahaa mid lagu gorfaynayay dardargelinta mashruuca qamadiga waraabka ku baxa oo ay hirgaliyeen maalgashadayaal Deegaanka u dhashay. Wasiirka Xafiiska Beeraha DDS Dr. C/qaadir Iimaan ayaa tilmaamay in gobolka Shabeelle loo qorsheeyay in laga beero dhul dhan 900 oo hiktar qamadiga waraabka ku baxa, kaas oo hadda meel fiican maraya.Dhankiisa, guddoomiyaha gobolka Shabeelle Mudane Aadan Axmed ayaa sheegay in ka maamul ahaan garab istaagi doono xubnahan maalgashadayaasha sidii ay uga midho’dhalin lahaayeen mashruuca.

%d bloggers like this: