Masuuliyiin heer federaal iyo heer deegaan oo soo indho’indheeyay waxsoosaarka beeraha Lafaciise ee degmada Awbare ayaa sheegay in bulshadu ku baraarugeen waxsoosaarka beeraha.
Masuuliyiintan oo uu hogaaminayay madaxa xafiiska Xisbiga Barwaaqo ee Soomaalida ayaa waxaa ka mid ahaa wasiirka wasaarada biyaha JDFI, xubno kale oo ka socda wasaaradaha kale ee dalka iyo sidoo kale qaar ka mid ah masuuliyiinta Deegaanka.
Wasiirka wasaarada biyaha ee dalka Eng.Habtamu Itufa ayaa sheegay in dhul beereedka ay booqdeen ee degmada Awbarre ay ku arkeen u diyaargaraw ay bulshadu sameeyeen si ay uga faa’iidaystaan waxsoosaarka beeraha gaar ahaan qamadiga.
Masuuliyiinta federaalka ayaa mudada ay deegaanka ku sugan yihiin u kuurgali doona shaqooyinka laga qabtay barmaamijyada dalag iyo daryeel, dhaqo oo dheefso, dhaxal cagaaran ee beerista dhirta iyo shaqo-abuurka.