Maamulka gobolka Qorraxey oo ay wehelinayeen kuwa degmada Shaygoosh ayaa kormeer kusoo sameeyay beeralayda degmada Shaygoosh.
Kormeerkan ayaa waxay masuuliyiintani ugu kuurgalayeen sida ay tahay wax-soo-saaraka beeraha ee degmadaasi Shaygoosh maaddaama ay degmadaasi leedahay dhul ku habboon tabcashada beeraha.
Geesta kale, waxay masuuliyiintu soo indho’indheeyeen goobaha ay maamulka degmadaasi u diyaariyeen barnaamijka Dalag iyo Daryeel ee la doonayo in kor loogu soo qaado dhanka wax-soo-saarka beeraha. Beeralayda ku dayashada mudan ayay sidoo kale ku dhiirigalinayeen inay sii xoojiyaan dhanka wax-soo-saarka.
Somali Regional State