Masuuliyiin uu hoggaaminayey guddoomiyaha gobolka Erar ayaa soo kormeeray qaar ka mid ah tuulooyinka miyiga ah ee hoos yimaadda degmada Sallaxaad.
Kormeerka masuuliyiintan oo ahaa mid loogu kuurgalayay geeddi-socodka xarumaha adeeg-bixineed, udiyaargarowga qorshaha Dalag iyo Daryeel iyo guud ahaan xaaladda nololeed ee shacabka ayaa waxaa masuuliyiintan hoggaaminayey guddoomiyaha gobolka Erar, Axmed Cali Xuseen oo ay wahelinayeen maamulka degmada Sallaxaad waxa ayna soo kormeereen tuulooyin ay ka mid ahaayeen Balli-cadde, Farjanno iyo xarumo adeeg-bixineed.
Axmed Cali Xuseen, guddoomiyaha gobolka Erar oo ka war-bixiyay ujeedka kormeerkooda ayaa sheegay in dhammaan hoggaaminta sare ee gobolka Erar ay u kala baxeen dhammaan degmooyinka gobolka, si loo xaqiijiyo xaaladda dhabta ah ee ay ku sugan yihiin shacabka gobolku, heerka adeeg-bixineed iyo udiyaargarowga hirgelinta qorshaha Dalag iyo Daryeel.
SRTV Somali

%d bloggers like this: