Xafiiska Beeraha iyo kheyraadka Dabiiciga ee DDS oo beeraha dagmada Erer ee gobolka Siti ka buufinaya xanuunka candhaha oo ku dhaca geed-midhoodka liin macaanta.

Xafiiska Beeraha iyo khayraadka Dabiiciga ee DDS oo kaashanaya maamulka dagmada Erer ee gobolka Siti ayaa beeraha dagmadaasi gaar ahaan tuulada Qanadaraas ka billaabay buufinta cudurka candho oo beeralayada kaga dhacay geed midhoodka gaar ahaan liin macaanta oo ahaa ilaha lafdhabarta u ah bulshada beeralayda ah ee dagmadaas. Waxaana qorshaysan in laga buufiyo in in ka badan 3,800 oo hectar islamarkaana ay ka faa’iidaystaan 1,535 qof oo beeralay ah.

Dhinaca kale xubno ka mid ah guddiga joogtada ah ee golaha xildhibaanada Deegaanka u qaabilsan horumarinta xoola-dhaqatada ayaa gaadhay degmadaasi si ay usoo indho’indheeyaan geeddi-socodka ol’olaha buufinta iyo daaweynta iskugu jirta ee xafiisku ka wado degmadaas taasi oo ahayd codsi hadda kahor bulshadu soo gudbiyeen in wax laga qabto.

%d bloggers like this: