Beeraha Erar

Wax-soo-saarka kala duwan ee beeraha ee ka taabbogalay gobolka Jarar ayay soo kormeereen guddiga farsamada heer deegaan iyo masuuliyiinta maamulka gobolka Jarar.
Kormeerkan ayay xubnahan heer deegaan kusoo mareen wax-soo-saarka dalag iyo daryeel ee degmooyinka Dhagax-buur iyo degmada Gunagado. Ujeedka kormeerkan ayaa ah in ay soo ogaadaan xaaladda dhul-beereedka iyo sidii looga caawin lahaa wixii dhanka farsamada ah.
Wasiirka Xafiiska Dhisidda Iskaashatooyinka iyo Kobcinta DDS mudane Daahir Sheekh Cabdi iyo guddoomiyaha gobolka Jarar mudane Axmed Xuseen ayaa soo indho’indheeyay wax-soo-saarka isugu jira dalagyada kala duwan iyo khudaarta oo laga hirgaliyay tuulooyinka ka mid ah Gunagado iyo Dhagax-buur.
Masuuliyiinta ayaa sida oo kale kulammo kala duwan oo xog-waraysi ah la yeelanayay beeralayda si loogu dhiirrigaliyo, waxayna ku boorrinayeen inay shacabku sii xoojiyaan dedaalkani si gacmahooda ay ugaga baxaan baahida cunno yaraanta ee Deegaanka soo foodsaaray

%d bloggers like this: