May 9, 2026

BARIISKAAGA DAAWO

Bariiska waxa uu ka mid yahay bahda Firileyda, sidoo kale cuntooyinka daruuriga ah ee ay bulshada soomaaliyeed sida joogtada u quudato isagoo kaga jira kaalinta labaad marka laga yimaado Qamadiga waana midhaha badanaa la quuto, waxa uuna u qeybsamaa noocyo oo kala ah: Paddy Rice & Upland Rice, kaas deegaanka si hor leh looga bilaabey nooca Upland Rice [NERICA-4], waxaana 1-kii hiktar laga heli karaa 30 – 50 kintaal/hiktar isagoo ku bislaada muddo 3 biloood ah.

Bariisku waxa uu u baahan yahay maareyn dhinacyo badan taabaneysa oo ah: Dhul-diyaarin & Abuuritaan suuban, Biyo-siin 4-tii cishaba haljeer/maalin, Harameyn joogto ah, Bacrimiyaha carrada oo xiligeeda la siiyo, Ka ilaalinta dulinka oo ay u horeyso Shimbirta Quelea, Jaritaanka xiliga uu bislaado iyo Farsameyn habboon oo ah qaabka loo kala saaro iyadoo la badh-karinayo lana baalasheynayo si uu u yeesho midab dhalaali islamarkaana leh udgoon iyo dhadhan heer sare ah.

BULSHOOY BARIISKA HALA BEERTO

Madaxtooyada DDS

Somali Prosperity Party-ብልጽግና

Xafiiska Beeraha ee DDS

Srs Irrigation Development Bureau

Mac-hadka Cilmi Baadhista Xoolaha iyo Beeraha ee DDS

Xafiiska Warfaafinta Deegaanka Somalida

SRS Agriculture Bureau