Waaxda farsamooyinka casriga ee beeraha DDS ayaa wada soo saarista bacriminta dabiiciga ee beeraha.
Bacriminta oo ah mid laga sameeyay hadhaaga xoolaha, khudaarta iyo garaabada, iyadoo la isticmaalayo farsamooyin kaladuwan ayaa lagaga maarmi doonaa bacrimintii dalka dibadiisa laga keeni jiray oo ay adkayd in beeralaydu ay awoodaan iibsigeeda.
Axmed Maxamed, agaasinka waaxda fidinta farsamooyinka casriga ah ee Xafiiska Beeraha DDS ayaa sheegay in farsamadan oo looga faa’iidaysanayay waxyaabaha Deegaanka gudihiisa lagu farsameeyay ay waxtar badan u leedahay waxsoosarka beeraha. Waxaa qeybtan hadda lasoo saaray looga faa’iidaynayaa 600 oo qoys oo ah beeralayda magaalada Jigjiga ee ku hawlan soo saarista khudaarta iyo geed midhoodka. Farsamadan lagu soo saarayo bacriminta dabiiciga ah waxaa si tijaaba ah looga wadaa xarunta gawraca magaalada Jigjiga