Xafiiska Beeraha ee DDS oo kaashanaya Wasaarada Beeraha ee JDFI (MoA) iyo Hay’ada La dagaalanka Ayaxa Lama-dagaanka ee Bariga Afrika (DLCO-EA) ayaa saaka kawada hawlgaley Ayaxa Lama-dagaanka oo soo galey deegaanka isla markaana kasoo duuley deegaanada Tigreega iyo Canfarta waxaana hawlgalo Sahamin iyo Xakameyn isugu jirta laga fuliyey Tuulada Candho-diirshe iyo nawaaxigeeda ee Degmada Waqooyiga Jigjiga (Haroreys) ee Gobolka Faafan (Dhigaha-loolka 09° 21′ 15″ N , 043° 07′ 48″ E) Kooxda uu hogaaminayo Mudane Cabdi Aden Cabdi oo ah Agaasinka Waaxda Waxsoosaarka iyo Ilaalinta Dalagga ayaa sheegay iney si fiican uga hawlgaleen duulaankan cusub ee Ayaxa iyadoo la adeegsanayo diyaaradaha buufinta ee la dagaalanka Ayaxa Lama-dagaanka isagoo ku habsadey dhul-beereed baaxad leh oo lagu qiyaasi karo 3000 hiktar.

%d bloggers like this: