Qaybta 1: Macluumaadka Xafiiska/Hay’ada Fulinta Sekterka u hoostago: waaxda fidinta farsamooyinka casriga ah Magaca Mashruuca: Mashruuca isticmaalka qalabka beeraha ( Agricultural mechanization case team) Qeexida Nooca Mashruuca: 1, tababarka beeralayda hormuud ka, khabiirada iyo xirfadlayaasha ee goynta,kaydsiga iyo ilaalinta tayada dalaga( post-harvest training) 2, Soo ibinta mashiinada kala saara lafta iyo midhaha ee maize shellar and multi crop thresher, 3, Tababarka dirawalada qalabka beeraha ee kala duwan,4. Soo ibinta cagafyada ay u dhamaystiranyihiin qalabka qodaalka, 5. siinta fursada waxbarashada xilliga xagaaga ee xirfadlayaasha beeraha ee dhanka isticmaalka iyo dayactirka qalabka beeraha 6. Goobta: waxa uu ka qabsoomi doonaa caasimada deegaanka, caasimadaha gobalka shabele ee godey Qiyaasta kharashka mashruuca (Wadarta): 308,000,000ETB Baahida Miisaaniyada: ETB Qaybta kharashka mashruuca ee lacagta dalka 308,000,000ETB Ilaha kharashka: Qaybta kharashka mashruuca ee lacagta qalaad ETB Ilaha kharashka: Qiyaasta kharashka hawl-fulinta & dayactirka (kharashka guud ee hawl-fulinta sanadka): Qiyaasta wakhtiga mashruuca labilaabayo (Bisha /sanadka)
:
10/2/2015 Qiyaasta wakhtiga hawlgalinta ee mashruuca dhamaday (Bisha /sanadka)
:
4/10/2015 Qaybta 2: Ujeedada & Ahmiyada Mashruuca HEERKA TAYADA TALABIXINTA QIIMAYNTA Dhibcaha 2.1. Maxaa loogu baahday hirgalinta mashruucan? (marka laga eego dhibaatada u xalinayo ama fursadaha ka dhalan kara). soo raaci macluumaadka muhiimka ah ee ku saabsan xadiga dhibaatada ama fursadaha ka dhalanaya.
Waxaa xusid mudan in dal ahaan isticmaalka qalabka beeruhu uu marayo 4%, halka deegaankana uu marayo 0.5%, tirada cagafyada ee deegaanka wakhti xaadirkan ku hawlan waxsoosaarka beeruhu, waa 647 cagaf, tirada cagafyada sanadkan qorshaha ku jirtaa waa 200 xabo, in uu xafiisku keeno, waxaa kale oo aan filaynaa 100 cagafana ay bulshadu ku soo kordhiyaan sanadkan, haddaba, waxaan filaynaa inaan gaadhsiino sanadkan 0.75%, 100km2
Natiijada qiimaynta tayada
Guuldaraystay =
Hindisaha mashruucu wuxuu ku guuldaraystay sharaxaada dhibaatada ama fursada ama dhibaatada/fursadu way qeexan yihiin balse laguma qanci karo.
Hufnaan la’aan (Macadda)=
Macluumaadka tiro ahaaneed ee daliisha u ah baaxada dhibaatada ama fursadaha jira mahufna.
Gudbay =
waxaa si dhamaystiran loo qeexay dhibaatada & sababaha keenay ama fursadaha jira oo si waafi ah loo soo dhigay taasoo ku lamaan daliisha maangalka ah ee baaxada dhibaatada ama fursadaha mashruuca laga helayo.
TALABIXIN 2.2 Mashruucan mayahay mid ay fulin karaan shirkadaha gaarka ah ama hay’adaha aan dawliga ahaayn? Haddii jawaabtu tahay maya fadlan sababta sharaxaad ka bixi. Maya, Waxaa xusid mudan in shirkada gaarka loo leeyahay ee Alanfac ay bilowday keenitaanka qalabka beeraha, gaar ahaan cagafyada, waxaa dhacday in shirkadani, ay dad badan lacago ka qaaday, islamarkaana ayna cagafyadii u keenin, marka xafiiska oo kaduulaya khibradaas, ayaa waxa uu fuliyay 2012, 2013, 2014, inuu keeno qalabka beeraha, islamarkaana beeralayda lagu siiyo qaab dayn ah oo 50% ay sii bixinayaan, 50% kalana laga sugayo, laba sano, haddaba, washan waxaa qaban kara xafiiska oo khibrad badan u leh.
Natiijada qiimaynta tayada
Guuldaraystay=
su’aasha lagama jawaabin
MaCadda =
Ma cadda in mashruucan fulintiisu ku haboon tahay dawlada ama shirkadaha gaarka ah ama hay’adaha aan dawliga ahaayn midnaba.
Gudbay
=
Waxaa si cad loo soo dhigay haboonaanta in hindisaha mashruucan ay fuliso dawladu ama shirkadaha gaarka ah ama hay’adaha aan dawliga ahaayn.
TALABIXIN 2.3 Maxaa ka dhalan kara hirgalin la’aanta mashruucan? Waxaa xusid mudan, in deegaanka dhulka ku haboon beerashada uu yahay, 10,500,000, hector, halka aan ka isticmaalo 5%, kaliya, haddaba, 5% aan isticmaalo waxaan qalabka beeraha u isticmaala 0.5% kaliya, arrintan ayaa waxa ay sababtaa in hoos u dhac badani ka jiro dhanka waxsoosaarka beeraha ee kala duwan, Haddaba, qabasho, la`aanta mashruucan, ayaa waxay horseedi kartaa in isku filaanshaha dhanka dhuuniga uu aad hoos ugu dhaco, arintaasna ay sababto gaajo, iyo macaluul.
Natiijada qiimaynta tayada
Dhicisoobay
= cawaaqibka ka dhalan kara hirgalin la’aanta mashruucan ma qeexna, ama saamayn badan malaha.
Macadda =
cawaaqibka ka dhalan kara waa la sheegay balse macadda.
Gudbay =
Cawaaqibka iyo saamaynta mashruuca intuba si cad oo waafi ah ayaa loo soo dhigay.
TALABIXIN 2.4 Dalka ma ka jirta khibrad/tusaale loo soo qaadan karo mashruuc lamid ah mashruucan? (fadlan kaga jawaab
Haa
ama
Maya.
haddii jawaabtu tahay haa fadlan raaci khibrada laga dhaxlay. Haddii jawaabtu tahay maya sharaxaad ka bixi talaabooyinka dheeriga ah ee lagaga hortagi kkaro khataraha jira)
H
aa, way jirtaa, khibrada mashruucan dalka, tusaale ahaan deegaanka oromiya, deegaankan waxa uu dhamaan isbadal ku sameeyay siyaasadaha iyo tubaha waxsoosaarka beeraha, arrimaha uu ku badalayna waxaa kamid ah in si balaadhan looga hawlgalay sidii beeralayda deegaankaas loo gaadhsiin lahaa qalabka beeraha, shirkada biraha iyo cagafyada ee shaashamane, ee soo saarta qalabka beeraha, waxa ay kow katahay qorshaha kor loogu qaadayo waxsoosaarka beeraha, haddaba, xafiiska oo kaashanaya khibradahaas sare ku xusan ayaa waxa uu fuliyay mashruucan sanadihii 2012, 2013, 2014, iyadoo kor loo qaaday waxsoosaarka beeraha deegaanka
Natiijada qiimaynta
tayada
Guuldaraystay=
Dalka wax khibrad ah kama jirto, ama lama qeexin talaabooyinka ka hortaga khatarta. Ama dalka khibrada la mid ah mashruucan way ka jirta balse waxaa dhacday natiijada oo liidata iyo jirid la’aanta talaabada ku haboon ee ka hortaga khatarta mashruucan.
Macadda=
Talaabooyinka kahortaga khatarta laguma soo darin ama ma sharaxna
.
Gudbay =
inkasto wax khibrada ah aysan ka jirin dalka balse waxaa si cad loo sharaxay talaabooyinka kahortaga khataraha ka dhalan kara mashruucan.
AMA
Dalka waxaa ka jirta khibrad iyo natiijo wacan oo laga helay mashruucan.
TALABIXIN 2.5 Ujeedooyinka mashruuca maxay yihiin? 1, waa in kor loo qaado isticmaalka qalabka beeraha oo hadda maraya 0.5%, islamarkaana la gaadhsiiyo ka dalka oo maraya 4%, 2, waxaa xusid mudan in dhulka ku haboon beerashada deegaanku uu yahay 10,5 milloin hector, inta aan ka isticmaalana ay tahay 5%kaliya, mashruucani markuu hirgalo, waxaa kordhaya dhulka la isticmaalayo, ilaa 6.5%
Natiijada qiimaynta tayada
Dhicisoobay =
Ujeeddoyinka mashruucu ma qeexna.
Macadda =
Ujeedooyinku way qeexan yihiin balse habraaca mawaafaqsana.
Gudbay =
Ujeedooyinka si waafi ah ayaa loo soo dhigay.
TALABIXIN 2.6 Maxay yihiin hawlaha, waxsoosaarka iyo natiijada mashruucan? Natiijada qiimaynta tayada
Guuldaraystay=
mid ka mid ah hawlaha , waxsoosaarka ama natiijada mashruucu ma qeexna.
Macadda =
hawlaha , waxsoosaarka iyo natiijada mashruucu way dhigan yihiin balse lama xidhiidhsana sharaxaada mashruuca.
Gudbay =
hawlaha , waxsoosaarka iyo natiijada mashruuca si cad ayaa loo soo dhigay.
TALABIXIN Hawlaha: 1, waxaa ladiyaarinayaa qorshaha heshiiska cagafyada oo sanadka 2015, aan shirkada kula gallayno 200 xabo, islamarkaana waxaan filaynaa 100 xabo, ay soo ibsanayaan beeralayda kala duwan ee deegaanku, waxaa sidoo kale 56 xabo oo ah mishiinada kala saara lafta iyo midhaha aan heshiis kula galaynaa shirkadaha soo saara, iyadoo aan filayno in beeralayduna soo ibsato 25 xabo, intaas waxaa dheer aas-aasida iskaashatooyinka ka ganacsada alaabaha qalabka beeraha(spare-parts)
Wax soo saarka (Maxsuulka)
108,000 hector ayaa loo isticmaali doonaa qalabka beeraha, islamarkaana qalabka kala saara lafta iyo midhaha waxaa uu kali sari doonaa dalag kabadan 2,000,000 oo kintaal oo dallagyada kala duwan ah,
Natiijada 1, daraasad lasameeyay ayaa qeexaysa in halka hector ee lagu beero baddel/xagaaf uu quudin karo 3 qof, ka dibi lagu beeraana uu quudin karo 10 qof, halka, halkii hector ee cagaf lagu beero uu quudin karo 100 qof, marka daraasadka ayaa si cad u qeexaya muhiimada ay leedahay isticmaalka qalabka beeruhu,
2.7 Maxay yihiin faa’iidooyinka laga helayo mashruuca, haddii si haboon loo hirgaliyo? Natiijada qiimaynta tayad
a
Guuldaraystay=
waxaa lagu guuldaraystay sharaxaada faa’iidooyinka mashruuca.
Macadda =
Faa’iidada mashruuca si cad looma soo dhigin.
Gudbay =
Faa’iidooyinka mashruuca si cad ayaa loo sharaxay.
TALABIXIN Faa’iidooyinka: 1, isticmaalka qalabka beeraha deegaanku waxa uu marayaa 0.5%, kaliya, haddii mashruucani hirgalo, waxaa kordhaya isticmaalka qalabka beeraha oo gaadhi doona 0,75%- 1.5%, arrintaas oo kor u qaadaysa waxsoosaarka beeraha oo hadda maraya, 13,000,000 oo kintaal
2.8 Dadka ka faa’iidaysteyaasha ah ee mashruuca maxay yihiin? Mashruucan guud ahaan waxaa ka faa`iidaysanaya beeralayda, iyo xoolo-dhaqato beeralayda deegaanka, waxaa hirgalinta mashruucan si toos ah ugu faa`iidaysanaya 81,000 qoys, oo ku hawalan waxsoosaarka beeraha kala duwan,
Natiijada qiimaynta tayada
Guuldaraystay =
wuxuu ku guuldaraystay sharaxaada kutalagalka cidda ka faa’iidaystaha ah ee mashruuca.
Macadda =
kutalagalka cidda ka faa’iidaystaha ah ee mashruuca si cad looma soo dhigin (tiradu ma cadda)
Gudbay =
ka faa’iidaysteyaasha mashruuca iyo tiradoodaba si waafi ah loo soo dhigay.
TALABIXIN 2.9 Sharaxaad ka bixi siyaabaha mashruucu doorkiisa kaga qaadan karo ka midho dhalinta ujeedooyinka qorshaha horumarinta Qaranka, Qorshaha Istitateji ee deegaanka, qorshaha sekterka ama siyaasadaha kala ee dawlada. W
uxuu mashruucani kor u qaadayaa yoolka 15( SDG 2,15) sidoo kalana wuxuu ku sidkanyahay yoolasha 17 iyo 7 ee heer wadan iyo heer deegaan ee qorshaha 10 sano
Natiijada qiimaynta tayada
Guuldaraystay=
ma jirto wax xidhiidh ah oo ka dhexeeya qmashruuca & Qorsheyaasha kala duwan ee dalka iyo deegaanka sida qorshaha koboca & isbedelka (GTP), qorshaha horumarinta qaranka (NDP) ama barnaamijyada sekterka intaba. Nrams
M
acadda
=
waxaa tixraac laga dhigtay barnaaminyada qaranka, deegaanka ama sekterka balse xidhiidhka ka dhexeeya mashruuca iyo barnaamijyadani macadda.
G
udbay
=
waxaa si cad loo soo dhigay tixraaca iyo xidhiidhka ka dhexeeya mashruuca iyo qorshaha ama istiratejiyada ay khusayso. .
TALABIXIN 2.10 Tax fursadaha (khiyaarada) la tixgaliyay ee suurtagalinaya hanashada ujeedooyinka mashruuca. Fadlan sharaxaad ka bixi sababta lagu doortay xulashada fursadan.Waxaa xusid mudan in isticmaaalka qalabka beeruhu uu marayo 0.5%, islmarkaana waxsoosaarka beeruhu uu ku xidhanyahay istcmaalka qalabka beeraha in kabadan 40%, haddaba, mashruucan ayaa waxa uu beeralayda u sahlayaa inay si fudud u helaan cagafyada daynta ah, oo dhan 200 cagaf, sanadkan, iyagoo sii bixinaya 50%, inta dhimana ay ku bixinayaan laba sano gudahood, waxaa sidoo kale xusid mudan, in 35% waxsoosaarka beeruhu uu kulumo inta u dhaxaysa go`aynta iyo xeraynta, iyadoo arintaas laga duulayo ayaa waxaa laqorsheeyay in lasoo gado 56 xabo oo ah mashiinada kala saara lafta iyo midhaha, halkii saac wuxuu kala saraa 60 kintaal, waxaana beeralayda loogu qaybiyaa qaab iskaashato oo loogu dhaadhicyo degmooyinka.
Natiijada qiimaynta tayada
Guuldaraysta=
majirto wax fursad ah oo la taxay ama la tixgaliyay.
Macadda =
fursaduha waa lasoo taxay balse sharaxad lagama bixin sababata hanaankan loo soo qaatay ama kuwa kale loo buriyay
.
Gudbay =
waxaa si waafi ah loo soo taxay fursadaha (wadeeqooyinka) islamarkana la bayaamiyay sababta lagu xushay.
TALABIXIN 2.11 Tax dhamaan saamaynta togan iyo taban ee mashruuca, sido kale sharaxaad ka bixi habka mashruucu saamaynta xun ugu yeelan karo qaybaha kala duwan ee bulshada sida (sinjiga, Isirka, diinta, dadka laxaadka la iwm) iyo hanaanka kahortaga saamayntanQabashada mashruuca ayaa wax saamayn ah kulahan bulshada beeralayda marka laga reebo, dumarka iyo caruurta oo ay ku adagtahay isticmaalka qalabka beeraha oo xoog badan u baahan, sida kaxaynta cagafyada, isticmaalka miishiinada kala saara lafta iyo midhaha, arintan ayaa waxaan inta badan ku xilinaa in iskaashatooyinka lasiinayaa ay kolka horaba ka koobanyihiin Rag iyo Dumar, arrintaas ayaa sahasha in dumarkuna ka faa`iidaystaan fursadahan.
Natiijada qiimaynta tayada
Guuldaraystay
=
wuxuu ku guuldaraystay soo bandhigida saamaynta mashruuca ama saamaynta xun laguma qanci karo.
Macadda =
saamaynta togan iyo tan taban ee mashruuca way taxan yihiin balse sicad looma tibaaxin.
Gudbay =
saamaynta togan iyo taban ee mashruuca si cad ayaa loo soo bandhigay laguna qanci karo.
TALABIXIN Qaybta 3: Macluumaadka Maaliyada HEERKA TAYADA QIIMAYNTA (Dhamaan maaliyada waxaa lagu soo dhigaya Birr ETB) Natiijada qiimaynta tayada
(iskudarka qodobada 3.1, 3.2 iyo 3.3)
Guuldaraystay=
macluumaad aan xaqiiq ahayn ama aan sugnayn.
Macadda =
macluumaadku waa sugan yahay balse u baahan faahfaahin.
Gudbay =
Xogtu way cadahay sido kale qiyaasta lasoo dhigay waa lagu qanci kara.
TALABIXIN 3.1 Qiyaasta wadarta kharashka lagu dhamaystirayo mashruuca: 308,000,000 3.2 Baahida miisaaniyada ee mashruuca 500,000,000 (wadarta miisaaniyada dhamaan sanadada waa in ay la egtahay cadadka ku dhigan qodobka 3.1 f) Sanad misaaniyadeedka Cadadka lacagta loo baahan yahay 2015 308,000,000 3.3 Ilaha maalgalinta mashruuca Nooca Maaliyada Cadadka(ETB) Cadadka (%) Lacagta Qalaad Khasnada dawlada 308,000,000 Daynta dibada Deeqda dibada Daynta dalka gudihiisa Dakhliga Iibka Lacagaha kasoo xerooda adeegyada Kaalmada bulshada WADARTA
(Qiimaha la xisaabiyay)
308,000,000 0 0 3.4 Kharashka hawl-fulinta sanadka(ETB): Natiijada qiimaynta tayada
(iskudarka qodobka 3.4 iyo 3.5)
Guuldaraystay =macluumaad aan xaqiiq ahayn ama aan sugnayn. Macadda = macluumaadku waa sugan yahay balse u baahan faahfaahin. Gudbay = Xogtu way cadahay sido kale qiyaasta lasoo dhigay waa lagu qanci kara.
TALABIXIN wadarta guud ee qiiyaasta hawl-fulinta sanadka ee mashruuca kharash intee dhan ayaa laga dabooli karaa miisaaniyada hatan jirta? kharashka hawl-fulinta ee cusub (cadadka laxisaabiyay) 0 3.5 Ilaha miisaaniyada kharashka dheeriga ah ee hawl-fulinta: ( 308,000,000
) khasnada dawlada
( ) Daynta Dibada ( ) Deeqda Dibada ( ) Daynta Dalka gudihiisa ( ) Dakhliga Iibka ( ) lacagaha kasoo xerooda adeegyada kala duwan ( ) kaalmada bulshada 3.6
Dib u habaynta (maalgalinta) dhulka ma loo baahan yahay? (Haa/Maya)
Haddii jawaabtu tahay ‘Haa’ sheeg wadarta cadadka kharashka ku baxaya helista dhulkan (kharashka Magdhawga/ dib u dajinta iwm)
Maya
Natiijada qiimaynta tayada
Guuldaraystay =
macluumaad aan xaqiiq ahayn ama aan sugnayn.
Macadda =
macluumaadku waa sugan yahay balse u baahan faahfaahin.
Gudbay
= Xogtu way cadahay sido kale qiyaasta lasoo dhigay waa lagu qanci kara.
TALABIXIN Qiyaasta wadarta kharashka dhulka: ETB 3.7 Mashruucu dakhli ma abuuraya? (Haa/Maya): Haddii jawaabtu tahay haa fadlan soo bandhig qiyaasta dakhliga, illaha dakhliga iyo odoroska/sadaasha cadadka faa’iidada kasoo baxaysa mashruuca (IRR). Natiijada qiimaynta tayada
Guuldaraystay
= macluumaad aan xaqiiq ahayn ama aan sugnayn.
Macadda
= macluumaadku waa sugan yahay balse u baahan faahfaahin.
Gudbay
= Xogtu way cadahay sido kale qiyaasta lasoo dhigay waa lagu qanci kara.
TALABIXIN Sanadka 1aad ee hawlgalka Sanadka 2 Sanadka 3 Sanadka 4 10,000,000 Ilaha dakhliga: ibka iyo cudduuda shaqaalaha Faa’iidada mashruuca (IRR): 4. Qorshaha Hirgalinta Heerka Tayada Qiimaynta Dhibcaha 4.1 Soo dhig qorshaha jadwalka mashruuca: Natiijada qiimaynta tayada
Guuldaraystay =
Jadwalka laguma qanci karo.
Macadda=
qorshaha jadwalka waa sugan yahay balse u baahan faahfaahin. Gudbay = qorshaha jadwalka waa cad yahay sido kale qiyaasta lasoo dhigay waa lagu qanci kara.
TALABIXIN Marxaladda wakhtiga Diyaarinta /dhamaadka qiimaynta (dib-u-eegista) Hamble Dhajinta qandaraaska Maskaram Bixinta qandaraaska Diqimti Shaqo bilaabida Hidaar Dhamaystirka shaqada Dir Adeeg bixinta mashruuca (hawlgalka mashruuca) Magaabit 4.2 Tax gashiyada cududa shaqaalaha, agabka hawlgalada iyo adeegyada muhiimka u ah hirgalinta iyo hawlgalka mashruuca. Sidee wakhtiga ku haboon lagu helaya? Diyaarinta noocyada beeralaydu door bidaan ee qalabka beeraha, xulitaanka farsamo yaqaanada qalabka beeraha, soo rarida qalabka beeraha, iyo habsami u qaybinta qalabka beeraha, diyaarinta goobaha tababarada,
Natiijada qiimaynta tayada
Guuldaraystay =
Arrimaha ku xusan su’aasha lagama jawaabin.
Macadda =
Gashiyada mashruuca waa la sheegay balse siyaabaha lagu helayo macadda.
Gudbay =
Gashiyada mashruuca iyo qorshaha helida gashiyada si hufan ayaa loo soo dhigay.
TALABIXIN 4.3 Maxay tahay khibrada xafiiska mulkiilaha ah ee hirgalinta mashaariicda lamidka ah mashruucan? Haddii khibradu kooban tahay ama aysan jirinba sharaxaad ka bixi habka loo xalinayo xaaladan (khibrad la’aanta). Qabashadan mashruucan ayaa ah mid khibrad buuxda uu u leeyahay xafiisku iyo waaxda fulinaysaba, madama in badan lasoo fuliyay mashriicadn oo kale,sanadihii 2012, 2013, 2014 islamarkaana lagu guulaysatay,
Natiijada qiimaynta tayada
Guuldaraystay=
khibrad la’aan & xalka suurta galka ah lama soo dhigin.
Macadda =
khibrad la’aan hase yeeshe, xalka kahortaga waxaa suurtagal ah in arrintan waxkataro iyadoo balse u baahan faahfaahin dheeraad ah.
Gudbay =
Waxaa dhigan khibradii hore oo xaqiijin u baahan
AMA
Khibrad la’aan balse xalka lasoo dhigay oo ah mid lagu qanci karo.
TALABIXIN 4.4 Tax wakaaladaha ama hay’adaha dabagalka ee loo baahan yahay ka qaybgalka hirgalinta mashruuca iyo arrimaha sharci ee furdaaminta u baahan? Xafiiska maaliyada iyo xafiiska qorshaynta DDS
Natiijada qiimaynta tayada
Guuldaraystay=
lagama jawaabin.
Macadda =
Hay’aduhu ay xusan yihiin balse waxaa jira farqi dhinaca sharciga
ah (
Farqi arrimaha Hay’adeed)
Guulaystay=
Waxaa si waafi ah loo taxay dhamaan hay’adaha ay khusayso iyo macluumaadka sharciyeed ee ku xeerran.
TALABIXIN 4.5 Tax bah-wadaagta mashruuca iyo xaalada/heerka latashi ee lala yeeshay. Qabashada mashruuca ayaa waxaa bahwadaag u ah xafiiska tacliinta sare iyo xirfadaha ee DDS, waxaa kale oo bahwadaag u ah mashruucan kooliyadaha xirfadaha ee deegaanka, wakaalada abuurka xulka, macadka cilmi-baadhista,
Natiijada qiimaynta tayada
Guuldaraystay =
Bahwadaagta lama soo dhigin.
Macadda =
Bahwadaagta waa la taxay balse lalama tashan
ama
shaxda bahwadaagta ma dhamaystirna.
Gudbay =
Bahwadaagta si dhamaystiran ayaa loo dhigay, waxaan bilawday latashigii bahwadaagta.
TALABIXIN 4.6 Tax khataraha habsami u hirgalinta mashruuca soo wajihi kara (maxay yihiin caqabadaha soo bixi kara?) iyo habka maareeynta khatar kasta oo mashruuca soo wajahda. (haddii loo baahdo fadlan ku darso faahfaahin dheeri ah) Natiijada qiimaynta tayada
Guuldaraystay=
khataraha ma dhamaystira ama habka maaraeeynta khatarta ma qeexna.
Macadda =
khataraare way dhigan yihiin balse habka kahortaga khataruhu ma dhamaystira ama laguma qanci karo.
Gudbay =
khatauhu waa lasoo dhigay iyo tallaabooyinka kahortaga khataraha intaba.
TALABIXIN Qeexida khataraha Habka maareeynta khataraha? mashruuca oo aan xilligiisa loo sii dayn miisaniyada lagu qabanayo, Shidaal la,aanta iyo qiimaha qalabka beeraha oo aad isku badala Miisaniyada mashruuca oo xilli hore lasii daayo, shidaal la,aanta oo wakhti hore laga hawl galo, iyo qiimaha qalabka beeraha oo si dhow loola socdo, 4.7 Mashruuca shaandheeynta hore ku guulaystay ee u baahan daraasaad kale A. Maxay dhantahay Miisaaniyada daraasadka ee loo baahan yahay? ETB B. Miisaaniyada daraasaadka xagee laga helaya? C. Sharaxaad ka bixi qaabka diyaarinta iyo dhamaystirka daraasaadka. D. sheeg muddada dhamaystirka daraasaadka iyo wakhtiga qiimaynta? (Bisha/Sanadka)
You need to add a widget, row, or prebuilt layout before you’ll see anything here. 🙂