Mac’hadka horumarinta beeraha ee JDFI ayaa kulan lagaga hadlayo horumarinta beeraha u qabtay bahda beeraha ee Deegaanka.
Mac’hadka horumarinta beeraha JDFI ayaa kulan lagaga hadlayo horumarinta ganacsiga beeraha u qabtay bahda waxsoosaarka deegaanka. Beeralayda dalka ayaa inta badan waxsoosaarka ay fashaan u isticmaala cunto ahaan, waxaana lagama marmaan noqotay in iyadoo waxsoosaarka la kordhinayo hadana loo bahan yahay in la helo beeralay ka shaqaysa waxsoosaarka gansiga iyagoo isticmaalaya dalag isku mid ah.
Beeraha waxsoosaarka ganacsiga ayaa ujeedka laga leeyahay tahay in dhaqaalaha qayb ka qaato, wuxuuna qorshahani yahay mid dalka laga hirgalinayo si ganacsiga beeraha loo horumarinayo si looga maarmo cuntooyinka dalka dibadiisa laga soo iibsado.
Hadaba agaasinka waaxda fidinta farsamooyinka casriga ah ee beeraha ee Xafiiska Beeraha DDS oo aan waxka waydiinay kulankan ayaa sheegay in nidaamka ka ganacsiga beeruhu waxbadan ka tarayo horumarka dhaqaalaha dalka.
