Kuda yasho Muadan

Falashada Beeraha Tusaale Kufila ayay muujiyeen.

Hoyga waxbarashada agoonta

Shinniile oo gaar loo leeyahay ayay wax ku bartaan 200 oo arday, waxaana gudihiisa ka beeran illaa saddex kun oo geed midhood ah.

Madaxweynaha Deegaanka Mudane Mustafe Muxummed Cumar, Madaxwayne-ku-xigeenka Mudane Ibraahim Cusmaan Faarax, Af-hayeenka Baarlammaanka Marwo Ayaan Cabdi iyo masuuliyiin kala duwan ayaa booqday hoyga agoonta ee degmada Shinniile oo ku yaalla xaafadaha Marmaarsa.

Hoygani waxaa la aas-aasay 2017-kii balse saddexdii sanno ee ugu dambaysay ayuu si wanaagsan ushaqo galay sida uu noo xaqiijiyay maamulaha dugsigani Maxammed Macalin Cusmaan, xukuumadda DDS ayuuna uga mahad-naqay garab istaag xooggan oo ay umuujisay muwaadinkani maal-geliyay hoygani waxtarka weyn uleh bulshada.

Maxammed waxa uu sheegay in illaa labo boqol oo araday oo ka kala yimid gobollada Deegaanka ay ku xaraysan yihiin hoygani oo ay ka helaan guud ahaanba adeegyadii kala duwan ee aas-aasiga u ah nolosha qofka, waxaana noo qorshaysan in illaa saddex boqol oo qof aannu soo xarayno hadda ayuu yidhi.

In ka badan saddex kun oo geed oo isugu jira noocyada kala duwan ee khudaarta ayaa ka beeran hoygani waxbarashada agoonta, kuwaasi oo manaafacaadkooda kasakow muunad gaar ahaaneed uyeelay goobta waxbarasho.

Goob Waxbarasho ayaa sidaa laga dhigay maxaad umalayn beera laya

Leave a comment

I accept the Privacy Policy

%d bloggers like this: