Mac’hadka Cilmi-baadhista Xoolaha Iyo Beeraha DDS ayaa sheegay in uu ku guulaystay 6 dalag oo isugu jira qamaddi iyo bariis oo lagu tijaabiyay Doollo-addo.Dalagyada lagu guulaystay ayaa isugu jira 4 nooc oo bariis ah iyo 2 nooc oo qamaddi ah, kuwaasi oo ah markii u horreysay ee lagu tijaabo xarunta cilmi-baadhista Doollo-addo.Mac’hadka ayaa xarunta cilmi-baadhista Doollo-caddo ee tijaabooyinka laga fuliyay ku marti-qaaday masuuliyiinta xafiisyada bah-wadaagta Deegaanka, hay’adaha aan dowliga ahayn ee ka shaqeeya beeraha, ganacsatada iyo beeraleyda aaggaas, si la iskaga kaashado badinta dalagyadani.Maareeyaha Mac’hadka Cilmibaadhista Xoolaha Iyo Beeraha DDS, Maxammed Shariif Cali ayaa sheegay in tijaabooyinka mac’hadku sameeyay loogu talo’galy in wax lagaga qabto damaanadda cuntada bulshada.Wasiirka Xafiiska Beeraha Iyo Kheyraadka Dabiiciga DDS, dr. C/qaadir Iimaan ayaa tilmaamay in wali bulshada Deegaanku ay haystaan fursado ay noloshooda wax kaga baddeli karaan, iyaga oo ka faa’iidaysanaya kheyraadka dihin ee Deegaanka.Tijaabadan ay samaysay xarunta cilmi-baadhista Doollo-addo ayaa meesha ka saari doonta ku-tiirsanaanta dalagyada ay ka midka yihiin qamaddiga iyo bariiska ee dibadda laga soo iibsan jiray


