Barnaamijka shabakadda badbaadada wax-soo-saarka cuntada ee loo yaqaanno PSNP ayaa ah mashruuc kor u qaadaya dhaqaalaha bulshada danyarta ah.
Tababar uu soo qaban-qaabiyay Xafiiska Beeraha Iyo Horumarinta Khyeyraadka Dabiiciga DDS waaxdiisa dammaanad-qaadka cuntada ayaa tababar ku saabsan wareegga 1aad ee barnaamijka PSNP wajigiisa 5aad u qabtay masuuliyiinta maamulka degmada Gaashaammo si kor loogu qaado hab-nololeedka bulshada danyarta ah.
Mashruucan PSNP oo hadda kahor ka hawlgali jiray 46 degmo oo kaliya ayaa iminka wuxuu ka hawlgallaa 93-da degmo ee Deegaanka.
